Warar goor dhaw naga soo gaaray gudaha dalka Jabuuti ayaa ku waramaya in halkaasi heshiis hor dhac ah maanta ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Maamulka aan la aqoonsaneen ee Gobalada dhaxe.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka aan la aqoonsaneen ee Gobalada dhaxe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiis hor dhac ah oo labada dhinac ay isku fahmeen kadib 8 cisho oo ay ku shirsanayeen gudaha Dalka Jabuuti.
Heshiiskaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Mas’uuliyiin katirsan Dowlada dhaxe iyo xubno ktirsan labada Maamul Galmudug iyo Ahlu-suna iyo Madax ka socotay Ururu Gobaleedka IGAD.
Labada Maamul ayaa waxaa dhax maray shirar gaar gaar ah kuwaa oo sababay iney isku soo dhawadaan labada Maamul, arintaana ay sababtay inuu dhaco heshiis labada dhinac ay gaaren.
Qodabadii hor dhaca ee manta lagu heshiiyay ayaa lagu wadaa heshiiska rasmiga in qodobada lagu heshiiyay lagu soo bandhigi doono magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.



