Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerar lagu qaaday Ciidamo katirsan dowlad oo marayay duleedka Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerar dhabagal ah oo ciidamadoodu u dhigeen kolonyo gaadiid ah lagu dilay Gaashaanlle sare Max’med Raage oo ahaa taliyaha Ururka 2-aad ee Guutada koowaad ciidamada Xooga dalka ee gobolka Sh/dhexe.
Al-shabaab ayaa intaa ku daray iney gacanta ku dhigeen gaari Cabdi Bile ah ee uu watay Gaashaanlle sare Max’med Raage markii dambana Gaariga ay gubeen Ciidamada shabaabka ee weerarka ku qaday kolonyada maadama gaariga uu soo gaaray bur bur xoogan, halkaana ay ka qaateen sadax qori iyo booshkooda oo ay wateen Ciidamadii saarnaa kolonyada la weeraray.
Wali wax war ah kama soo bixin Taliska Ciidamada Xooga ee Gobalka Shabeelaha dhaxe ee ku aadan sheegashada Al-shabaab iney dileen Gaashaanlle sare Max’med Raage Raage oo ahaa taliyaha Ururka 2-aad ee Guutada koowaad ciidamada Xooga dalka ee gobolka Sh/dhexe, balse xiriiro ay Radio Simba ee M/Muqdisho la sameysay Saraakiisha ayay ka jawaabin Talefanadooda.
Gobalka shabeelaha dhaxe ayaa inta badan waxaa ka dhaca weerarada gaadmada ee Al-shabaab ku qadaan Fariisimaha iyo Kolonyooyinka Ciidamada Dowlada Iyo kuwa AMISOM .

