Shiikh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo Gaaray Degmadda Xudur+Sawirro

0

Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool waxaa maanta gaaray Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) oo ahaan jirey ku-xigeenkii hogaamiyihii Xarakadda Al-shabaab oo dhawaan isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaliya.

Muqtaar Roobow waxaa ku wehlinaya socdaalkiisa Degmada Xudur Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Xukuumadda Xasan Cali Kheyre Abdirashiid Cabdulaahi Maxamed, xildhibaano, iyo saraakiil ciidan.

Degmadda Xudur waxaa Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) kusoo dhaweeyay maamulka Degmada, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamo ka Amar qaata Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) oo ku sugan deegaanka Abal in la keeni doono Degmadda Xudur islamarkaana ay ku biiri doonaan Ciidamadda Koonfur Galbeed Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here