Maxkamadda Sare Maamulka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday inay Ansixisay Najiitadii Doorashadii Somaliland kadib markii ay wayday cid ka qabta wax dacwad ah xisbiyadda mucaaaradka ee Maamulkaas.
Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali oo saxaafadda kula hadlay gudaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in muddo ay u qabteen in dacwad loogu soo gudbiyo islamarkaana ay waayeen qaar kamid ah Xibsiyadda Mucaaradka oo diidan doorashadii Somali-land ka dhacday 13-kii bishaan.
Muuse Biixi Cabdi oo u tartamayay xisbiga Kulmiye ayaa ku guuleystay Doorashadii Madaxweynaha Somaliland ee la qabtey 13-kii bishan November.
Gudiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi uu yahay Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland, kadib markii uu helay 55.19% codadkii ay dhiibteen 700,000 oo qof.
Muuse Biixi codadka uu helay guud ahaan waxay gaarayeen 305,909, oo u dhiganta 55.19%, halka Musharaxa Waddani Cabdiraxmaan Cirro uu helay 226, 690 cod oo u dhiganta 40.73%,Feysal Cali Waraabe oo ah musharaxa u tartamay UCID ayaa helay 23,140 cod oo u dhiganta 4.17%.
Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Madaxweynaha Somaliland shanta sano ee soo socota.

