Labo Wiil Oo Shiinays ah oo Bas Hoostii ku Safray 80km

0

Sawirrada labo wiil oo Shiinays ah oo ku safray bas ay hoosta kaga dhageen oo ay 80km ku safreen ayay ka dhalatay caro onlineka lagu soo gudbiyay oo looga hadlayo badqabka carruurta danyarta ah ee dalkaas.

Warbaahinta dawladdu ma aysan magacaabin labada wiil, waxayna ka soo jeedaan tuulo ay dagan yihiin dadka danyarta ah oo ku taalla koonfurta Guangxi, waxayna isku dayayeen in ay u tagaan waalidkood oo ka shaqeeya gobolka ay dariska yihiin ee Guangdong.

Macalinkooda ayaa 23ka Nofembar sheegay in wiilasha la’layahay , isla maalintaa ayaana la helay iyaga oo taayirada agtooda ku dhagan oo ku jira qaybta hoose ee baska.

Sawirro iyo muuqaal laga helay labada wiil ayaa muujinaya iyaga oo ciido qarisay oo ku dhagan qaybta hoose ee baska.

Ilaa saddex mayl ayay safarka ku jireen iyadoo uu baabuurku ku safrayay meel joogeedu kala sareeyo, shaqaaluhunu waxay sheegeen in ay la yaabeen in aysan waxba soo gaarin carruurta.

“Jirka carruurtu aad buu u yaraa, marka waxay heleen meel ay ku dhuuman karaan oo ku filan,” sida uu wargayska u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha baska.

Shaqaalaha ayaa sheegay in carruurtu ay diideen in ay hadlaan marka su’aalaha la waydiiyo, laakiin mid ka mid ah shaqaalaha ayaa wargeyska Morning Post u sheegay “in markii dambe ay ogaadeen in carruurtu ay u xiiseen hooyadood iyo aabahood.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here