Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in Al-shabaab-kii ugu badnaa ay gaareen Gobolkaas.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Bariga Gobolka Galgaduud, General Axmed Maxamed Tareedisho, oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay saraakiil iyo dagaal-yahano shabaab ah oo ka baxsanaya duqeymaha Mareykanka in ay gaareen deegaano ka tirsan Gobolkaas.
Waxa uu sheegay in duqaymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay la beegsadaan dagaalyahanadda Al-Shabaab inay ku keentay inay u baxsadaan Gobolka Galgaduud, kadib markii weeraradii ugu dambeeyay ay sababeen khasaaro badan in uu gaaro shabaab.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Bariga Gobolka Galgaduud, General Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in qorshaha Shabaabku uu yahay inay gabaad ka dhigtaan deegaanada buuraha leh ee Gobolka Galgaduud.
Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka geystaan Soomaliya,iyadoo sanadkaan 2017-ka Soomaliya ay ka dhaceyn 28-duqeyn oo lala beegsaday saldhigyadda dagaalyahanadda Al-shabaab iyo Daacish.

