Wararkii ugu Dambeeyay Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulka Hir-shabelle

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa wada la tashiyadii ugu dambeeyay ee soo magacaabista Golahiisa Wasiirada Cusub.

Sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka Tirsan madaxtooyadda Hir-shabeelle Madaxweynaha ayaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in uu gaaro Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle, kadib markii uu safar ku tagay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi ku qulqulaya siyaasiyiin xil ka raadinaya maamulka Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa Magaaladda Jowhar kula kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada Hir-shabelle isagoona kala hadli doona magacaabista golahiisa wasiirada cusub, oo la filayo in  aysan kasoo dhex muuqan xildhibanada baarlamaanka Maamulkaas.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here