Waxaa maanta lagu wadaa in xilka madaxweynenimada loo dhaariyo Emmerson Mnangagwa, wuxuuna badalayaa madaxweynihii xilka ka dagay Robert Mugabe.
Mnangagwa ayaa horey u ahaa madaxweyne ku xigeenka, wuxuuna muddo aad u dheer lasoo shaqayanayay Mugabe oo xilka hayay muddo 37 sanadood ah.
Hoggaamiyaha lagu wado in uu qabto xilka madaxwaynanimada Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa dhawaan waxaa uu sheegay in uu xoogga saari doono dhiirogelinta hanaanka dimoqraadiyada dalkaasi ka curtay.
Xil ka qaadistiisii bishii hore ayaa ku kaliftay in xisbiga ZANU-PF iyo ciidammada ay awooda la wareegaan, Mugabe-na ku qasbaan in uu xilka ka dego.
Mucaaradka ayaa ka codsaday Mnangagwa in uu soo afjaro dhaqanka musuqmaasuqa ee dalkaas.
Lama oga in uu dowlad wadaag ah soo dhisi doono ama xisbiga Zanu-PF oo kaliya uu golihiisa wasiirada ka koobi doono inta uu xilka hayo ka hor doorashooyinka sanadka dambe.

