Shir looga hadlayay iskaashi laga sameeyo dagaalka Al-Shabaab,xoojinta Ganacsiga iyo iskaashi dhanka maamulka oo u dhaxeeya maamulada JubbaLand iyo ismaamulka Gaarisa ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Gaarisa ee Waqooyi bari dalka Kenya.
Shirkaan oo mudo labo cisho ah ka socday magaalada Gaarisa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD iyo Hay’ado nabad ka shaqeeyay,waxaana dhanka Maamulka Jubba Land uga soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay degmooyinka Badhaadhe iyo Dhoobley halka maamulka Gaarisa ay u matalayeen Ergooyin ka socotay degmooyinka Dadab iyo Faafi oo oo dhaca Xuduuda kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya.
Inta uu socday shirka ayaa Labada dhinac waxay si xoogGan iskula jeex jeexeen sidii iskaashi buux Labada maamul uga sameyn lahaayeen xagga amniga,islamarkaana meel looga soo wada jeesto Islaamiyiinta Al-Shabaab loona sii laba jibaari lahaa dagaalka lagula jiro.
Mas’uuliyiin ka socotay Ururada IGAD iyo kuwa Nabada ka shaqeeya ee shirka soo qaban qaabiyay,islamarkaana hadalo kooban ka jeediyay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay in Labada maamul ee Jubba Land iyo Gaarisa ka shaqeeyaan amniga iyo iskaashiga xaga ganacsiga iyo laga sameeyo dhanka maamulka.
Waxaa shirka socday mudada labada cisho soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka ismaamulka Gaarisa Cabdi Dhaqane Maxamed oo kula dardaarmay ka qeyb galayaasha shirka iney siday tahay waxay u fahmeen ula wadaagaan maamuladii ay ka kala yimaadeen,islamarkaana qodobada lagu heshiiyay la dhaqan geliyo.
Deegaanada Maamulka Gaarisa waxaa marar badan falal amniga lidi ku ah ka geystay Cutubyo katirsan Al-Shabaab,kuwaasi oo dilay dad isugu jira askar iyo dad masiixiyiin Rayid ahaa.






