Dowladda Kenya oo Beenisay in ay Dhoofiso Dhuxusha Soomaaliya

0

Ciidamada difaaca dalka Kenya ayaa ka soo horjeestay ku lug lahaanshiyaha dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, taa oo la aaminsanyahay in Xarakadda Al shabaab ay dhaqaalo badan ka abuuraan.

Afhayeenka ciidamada dalka Kenya Col David Obonyo ayaa beeniyay warbixinta  kooxda la socodka cunaqateenta hubka saaran Soomaaliya ee lagu sheegay in ciidamada Kenya ay dhoofiyaan dhuxusha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in aysan jirin saraakiil Qaramada midoobay ka tirsan kuwaa oo booqday goobaha ay gacanta ku hayaan, isagooo xusay in dowlada Federalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland in iyagu maamulaan Dakadda magaalada Kismaayo.

“Ciidamada Kenya  uma joogaan Soomaali ganacsi,laakiin waxey qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM, Soomaliya waxaan u joognaa inaa xaqiijinno amniga iyo nabadgalyada , waxaana Kenya naftooda ay u hurayaan sidii ay u xureyn lahaayeen dadka Soomaaliyeed”

Qaramada midoobay ayaa dhowr jeer ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM  ku eedeesay ka ganacsiga dhuxusaha waxaana ay  mamnuucday ka ganacsiga dhuxusaha bishii February sanadii 2012-kii si loo weeqo dhaqaalo la sheegay in al shabaab ay ka helaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here