Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay inta u dhexeeysa Degmooyinka bardaale iyo baydhabo.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka Tirsan Al-shabaab ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo kusii jeeday Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu socday muddo saacado ah islamarkaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira uu soo kala gaaray dhinacyadii halkaas ku dagaalamay.
Dagaalyahanada Al-shaabab ayaa inta badan go’doomiyay wadooyinka muhiimka ah ee Gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfurta dalka Soomaliya, iyadoo dowladda Soomaliya ay ku dhawaaqday Howlgal dagaal.

