Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee Maamulka Somali-land Muuse Biixi ayaa ka hadlay Go’aankii dhawaan kasoo baxay Baarlamaanka Maamulka Puntland oo sheegay in deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ee hoostaga Puntland aan wax doorasho ah laga qaban karin Somaliland.
Musharax Biixi ayaa sheegay in Somaliland aysan dagaal rabin balse hadii Puntland si militari usoo faro geliso doorashada ay ka jawaabi doonaan.
“Raga maanta Ciidanka kasoo hubeynaya Garoowe dib isu wareysta awoowayaashiin wareysta, Dowladdihiinii u danbeeyay wareysta weligeed Somaliland nin gacan u qaaday isagoo Adhaxda ka jabin kama tegin,anagu nabad baan rabnaa idin soo faragelin meyno walaaltinimadiina Jecelnahay, inaan nabad kuwada noolaano baanu jecelnahay, Laakiin waxaan u sheegayna maanta Doorashadaa hadaa soo faragelisaan oo hab ciidan kusoo faragelisaan, geeskaa wixii ka dhaca iska dhaaf cidkale Garoowe- baa lagu murmi, Caasimada lagu murmi , ballan baan taa idinka qaadaya”ayuu yiri Musharax Xibsiga Kulmiye ee Somali-land Muuse Biixi.

