Eedeysane C/risaaq Warsame Axmed oo loo heysto kiis naxdin leh ee uu kula kacay gabar yar oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa laga dhoofiyay magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.
Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa eedeysane C/risaaq Warsame Axmed ka dhoofiyey saaka Garoonka Kismaayo, waxaana lagu maxkamadeyn doonaa magaalada Garowe iyadoo loo heysto tacadigii uu kula kacay Faa’isa Cabdi.
Falka uu eedeysanahan geystay ayaa si weyn u gilgilay dadka Soomaalida, waxayna arrintiisa noqotay mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada, kadib markii uu tacadi iyo xabad uu xubinta taranka ugu dhuftay gababdha yar ee Faaisa Cabdi.




