Maamulka Somali-land iyo Shirka DP World oo Kala Saxiixday Heshiis Cusub

0

Maamulka Somaliland iyo shirkadda Imaraadka ee DP World ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo la xiriira Soonka Ganacsiga xorta ah (Free Zone)  oo laga samayn doono magaaladda Berbera.

Heshiiskan oo maalintii shalay ay  Wada saxiixeen  gudoomiyaha shirkada Dp World Md Axmed Bin Sulaymaan iyo wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire, wuxuu dhigayaa in Shirkadda DP World ay wajiga hore ay Berbera ka hirgaliso dhismaha dhul dhan 4 Kiilo-mitir oo isku wareeg ah, kaasi oo ka mid ah dhul dhan 12km oo isku wareeg ah oo  Somaliland ku wareejinayso shirkadda.

Gudoomiyaha shirkada DP World Mudane Axmed Bin Sulaymaan ayaa sheegay in soonka xorta ee ganacsiga ee laga sameynayo Magaaladda Berbera, laga dhigi doono xarunta ugu weyn ganacsiga Geeska Afrika,islamarkaana soo jiidan doona maalgalin caalami ah.

Bishii sagaalaad ee sanadkii 2016-kii ayaa shirkada Dp World kud hawaaqday in ay dekeda Berbera ee Somaliland u maalgashan doonto 442 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah,kadib markii ay shirkadu ku guulaysatay heshiis la wareegis shaqo ah oo u ogolaanaya in ay dekeda Berbera ka shaqaysiiso muddo 30 Sano ah.

Heshiiska cusub ayaa imaanaya ,iyadoo Somaliland looga dareerayo 13 bishan doorashada madaxtinimada oo ay ku tartamayaan saddex Xisbi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here