Sida ay daabaceen wargeysyadda kasoo baxa dalka Kenya afartii dhalinyaro ee dagaaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku toogteen degmada Bu’aale ee Jubooyinka waxaa ku jirey muwaadin u dhashay dlka Kenya.
Cumar Adar Cumar, oo ka soo jeeda magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari, oo 25-sano jir ah ayaa kamid ahaa ragga dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay toogteen kana mid ahaa ciidamadooda.
Sidoo Kale Cumar waxaa lala toogtay Cabdirisaaq Xaashi cabaas, Mustaf Macalim Xasan, iyo Maxamed Aba Mayow oo dhamaan lagu eedeeyay basaasiin u shaqeynayey Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom).
Ma ahan markii ugu horeysay ee dagaalayahana Xarakada al shabaab, ay dilaan dadka looga shakisan yahay in ay basaaseen.
Sanadkii 2015, Mustafa Xasan Maxamed, oo ahaa arday kasoo jeeda deegaanka Isiolo ee dalka Kenya, ayaa la diley ka dib markii uu ka cawday in weerarrada Al-Shabaab ka fuliyeen deegaanada Gaarisa iyo Mandheera ay la beegsadaan Muslimiinta iyo caruurta.

