Siidow Aadan Abaadir oo kamid ahaa Xildhibaanadii baarlamaankii 9-aad ee Soomaliya ayaa ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya in ay dib u dhigaan mooshinka ay ka wadaan madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan Shiikh aadan.
Siidow Aadan ayaa sheegay waqti kooban in uu u harsan yahay Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh adan islamarkaana ay haboon tahay in fursad loo siiyo in mudada u harsan uu dhameysto, kadibna la doorto Hogaamiye Cusub.
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa haatan mooshin kawada madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan,waxayna ku eedeyeen in Koonfur Galbeed uu dib u dhacyo u horseeday 3-sano aynu soo dhaafnay.

