Feysal:-“Hadaan Guuleysto Somaliya ayaan La Hadli Doonaa Iyadoo Shisheeye Loo Baahneen”,+Dhageyso

0

Musharaxa xisbiga U cid ee Soomaali-land Feysal Cali Waraabe oo lahadalay idaacada Simba ee magaalada muqdisho ayaa sheegay hadii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Soomaali-land in uu wadahadal aan shisheeye ku dhex jirin uu la furi doono Soomaaliya.

Musharaxan ayaa sidoo kale ka hadlay Iyadoo  xiisad xoog leh ay ka dhex jirto Maamulada Puntland iyo Somaliland  islamarkaana la xiriirta Doorashada Somaliland oo Puntland ay sheegtay in ay ka hortageyso in ay ka dhacdo Gobollada Labada Maamul ay ku muran san yihiin ee Sool iyo Sanaag iyadoona   Puntland ay sheegtay in Gobollada Sool iyo Sanaag aysan ka dhici doonin Doorashada Somaliland.

“Puntland tabar ay nagu qal-qal galiyaan mahayaan hadii ay isku dayan in doorarashada looga dareerayo Soomaaliland 13 bishan ay carqaladeeyaan wxaan adeegsan doonaa awoodeena ilaa Magaaladda Garowe ayeyna socon doonaan ciidamadeeda” ayuu yiri musharaxa xisbiga Ucid Feysal Cali waraabe.

Waxa ka yar 10 cisho ayaa haatan ka harsan doorashada iyadoona horay uu Guddiga Doorashooyinka  ee Somaliland ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen  tirada guud ee codbixiyaasha doorashada madaxtooyada ee lagu wado in la qabto 13-ka bishan.

Dadka kaararka codbixinta qaatay ee xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan ayuu guddigu ku sheegay inay dhan yihiin 704,089 qof iyadoo1,642 goobood laga dhiiban doono codadka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here