Ciidamada Maamulka Puntland oo Hawlgalo Ka Bilaabay Buuraha Calmadow+Sawirro

0

Ciidamada Puntland ee PSF iyo kuwa kale ee Difaaca ayaa hawlgalo ka bilaabay shalay deegaano ka tirsan dhulka Buuraleyda ah ee Calmadow ee Galbeedka uga beegan magaalada Bosaaso ee Gobolka Bari.

Qorshaha howlgalkaan ayaa lagu sheegay in lagu baadi goobayo dagaalyahano ka Tirsan kooxda Daacish-ta Soomaliya oo wali ku xoogan dhulka Buuraleyda ah ee Calmadow.

Ciidamada Dowlada Puntland ayaa horey ugu guuleystay inay burburiyaan saldhigyadii ugu waaweynaa ee Kooxda Daacish-ta ku lahayd buuraleyda gaar ahaan kuwii ay ku lahaayeen deegaanka Galgala, balse Daacish  ayaa weli ku sugan dhulka buuraha ah ee lama degaanka ah, waxayna horey weeraro gaadmo uga geysteen deegaanka Af urur iyo Kontaroolka Magaaladda Bosaaso oo ay xiliyo habeen ah soo weerareen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here