Cali Jeyte:-“Ahlusuna Ayaa Hurinaysa Dagaaladda Ka Dhaca Gobolka Hiiraan”,

0

Gudoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle Cali Jeyte Cusmaan oo warbaahinta kula hadlay magaaladda baladweyne ayaa eedeen u jeediyay maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-jamaaca.

Waxa uu sheegay Cali Jeyte in Ahlusuna ay abaabuleen dagaalo ka dhacay deegaanka baanyaaleey iyo deegaano kale oo hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan ee bartamaha dhulka soomaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay gudoomiyaha Gobolka Hiiraan in dhowr jeer oo hore ay ishor-istaag ku sameeyeen waan waan iyo Gogol Nabadeed oo uu dhigay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif islamarkaana dagaalada ka dhaca deegaanka Banyaleey ay masuul ka yihiin Ahlusuna.

Mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan dagaalo u dhaxeeyay beelaha kuwada nool Gobolkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here