Mareykanka oo War Kasoo Saaray Duqeyn Lala Beegsaday Kooxda Daacish-ta Soomaliya

0

Diyaaradaha dowladda Maraykanka ayaa laba jeer duqeeyay saldhig  dagaalyahanada Kooxda Daacish ay ku leeyihiin deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Dowladda Maraykanka ayaa warbaahinnta u xaqiijiyay duqeynta, wuxuuna sheegay in hal qof uu wax ku noqday.

Wararka ayaa sheegaya in la bartilmaameesaday hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumim.

Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.

Mas’uuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaa khasaraha ka dhashay duqeynta ay la beegsadeen dagaalyahanada Taageersan kooxda Daacish-ta Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here