Deegaanada Gobolka Gedo ee Koonfur dalka Soomaliya waxaa soo gaaray Ciidamadii ugu badnaan ee ka socda dalka Ethopia.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan guluf dagaal oo lagu qaadi doono dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee ku sugan Gobolada dalka Soomaliya.
Tirada ciidamadaan ayaa lagu sheegay 2,000 askari oo qeyb ka ah ololaha dagaal ee lagu qaadi doono Al-shabaab.
Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq ayaa sheegay in cutubyada cusub ee ciidanka Ethiopia ay qeyb ka noqon doonaan ciidanka AMISOM ee ka howlgalla Koonfurta Dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhawaan sheegay in ciidmada Dowladda Soomaliya iyo AMISOM ay dagaal ku qaadi doonaan Al-shabaab kadib qaraxii ka dhacay 14-bishii aynu soo dhaafnay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho.








