Dabayaaqadii Bishii October ee aynu soo dhaafaynay ayaa Ciidamo katirsan Kuwa Dowlada Soomaaliya waxa ay iskaga baxeen deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelada Hoose, waxaana durba la wareegay degaankaasi gacan ku heyntiisa Ciidamo katirsan Xarakada Al-shabaab.
Degaanka Bariire ayaa waxaa ka dhacay marar badan dagaalo culus oo u dhaxeeyo Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya Ciidamo katirsan kuwa Dowlada Mareykanka ee Kusugan gudaha Soomaaliya iyo Cutubyo katirsan Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa maanta baahiyay Sawirada Qaabkii ay ula wareegeen Saldhigyada Ciidamada Dowlada iyo kuwa Cadaanka ay ku lahayeen Deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelada Hoose.
Daaawo Sawirada Saldhiga Deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelada Hoose.












