Daawo Sawirro;-‘ Qaabkii Xarakada Al-shabaab ay ula Wareegeen Deegaanka Bariire

0

Dabayaaqadii  Bishii October ee aynu soo dhaafaynay ayaa Ciidamo katirsan Kuwa Dowlada Soomaaliya waxa ay iskaga baxeen deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelada Hoose, waxaana durba la wareegay degaankaasi gacan ku heyntiisa Ciidamo katirsan Xarakada Al-shabaab.

Degaanka Bariire ayaa waxaa ka dhacay marar badan dagaalo culus oo u dhaxeeyo Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya Ciidamo katirsan kuwa Dowlada Mareykanka ee Kusugan gudaha Soomaaliya iyo  Cutubyo katirsan Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa maanta baahiyay Sawirada Qaabkii ay ula wareegeen Saldhigyada Ciidamada Dowlada iyo kuwa Cadaanka ay ku lahayeen Deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelada Hoose.

Daaawo Sawirada Saldhiga Deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelada Hoose.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here