Madaxweynaha dowladda Federaalka Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe uga furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii uu dhawaan ku iclaamiyay Xarakada Al Shabaab uusan aheyn mid cusub balse uu ahaa dagaal muddo toban sanadood ah socday.
Farmaajo ayaa sheegay in AMISOM sanad walba hal bilyan iyo afar boqol ay beesha caalamku ku taageerto, xaqiiqdana ay tahay in aysan sii wadi Karin taageerada hadii aan lahelin ciidamo Soomaali ah wuxuuna xusay Madaxweynaha in hadda ay qaati ka taagan yihiin caalamka qarashka ay bixiyaan, waxaana dhici doonta in AMISOM naga baxdo oo alshabaab iyo anaga isku harno inagoo kala daadsan ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxwynaha dowlada soomaaliya ayaa ku cel celiyay wadashaqeyn dhex marta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka looga xoreynayo al-shabaab.wuxuuna carabka ku qabtay in madaxda ku shirsan magaalada muqdisho ay kulankooda diirada ku saari doonaan habdhiska is ku dhafka ciidamada
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa guluf dagaal oo xoogan oo ay dalka kaga saareyso Xarakad Alshabaab.

