Farmaajo:-Deeq Bixiyayaasha Qaati ayay Ka Taagan Yihiin Lacagaha Ku Baxa Amisom”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe uga furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii uu dhawaan ku iclaamiyay Xarakada Al Shabaab uusan aheyn mid cusub balse uu ahaa dagaal muddo toban sanadood ah socday.

Farmaajo ayaa sheegay in AMISOM sanad walba hal bilyan iyo afar boqol ay  beesha caalamku ku taageerto, xaqiiqdana ay tahay in aysan  sii wadi Karin  taageerada hadii aan lahelin ciidamo Soomaali ah wuxuuna xusay Madaxweynaha in  hadda ay qaati ka taagan yihiin caalamka  qarashka ay bixiyaan, waxaana dhici doonta in AMISOM naga baxdo oo alshabaab iyo anaga  isku harno inagoo kala daadsan ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxwynaha dowlada soomaaliya ayaa ku cel celiyay wadashaqeyn dhex marta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka looga xoreynayo al-shabaab.wuxuuna carabka ku qabtay in madaxda ku shirsan magaalada muqdisho ay  kulankooda  diirada ku saari doonaan  habdhiska is ku dhafka ciidamada                

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa guluf dagaal oo xoogan oo ay dalka kaga saareyso Xarakad Alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here