Saddex nin oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen falal islaam naceyb ah ayaa lagu xukumay maxkamada magaalada san diego ee dalka mareykanka kuwaa oo weerar islaam naceyb ah kula kacay muwaadin Soomaaliyeed.
Weerarka ayaa dhacay sanad ka hor bishii October 30-keedii sanadii 2016-kii waxaana xiliga la weeraray muwaadinka Soomaaliyeed uu ku sugnaa wadada Jaamacada Ee pizza.
Dad marqaatiyaal ah oo maxkamadda magaalada San Diego ku sugnaa ayaa sheegay in inta aysan weerarin ka hor in ay ku buuqeen dad muslimiiin ah oo haween ay kamid yihiin iyagoona toos u weeraray muwaadin Soomaaliyeed oo halkaasi ku sugnaa.
Waxa sidoo kale marqaatiyaasha ay sheegeen in dhibanaha ay dhaawacyo ka soo gaareen madaxa kadibna ay dhulka ku dhufteen iyagoo meesha ugu dhaqaaqay.
Kooxdan weerarka fulisay waxaa gacanta ku dhigay saraakiil ka Tirsan booliiska magaalada San Diego iyadoona dadkii ku sugnaa halka uu weerarka ka dhacay ay ku marqaati fureen.

