Xildhibaano ka Tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoonka Golaha Shacabka u gudbiyay mooshin, kaasoo ku saabsan xaaladda ammaanka dalka.
Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudeey oo maanta gudoomiyay kulankii ay ku yeesheen magaaladda muqdisho ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay guddoonka soo gaarsiiyeen mooshin ku saabsan dood laga yeesho xaaladda ammaanka dalka.
Waxa uu sheegay Muudey in dooda laga wada hadlay islamarkaana uu shir ugu yeeray Guddiyada difaaca iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo galabta kulan ka yeelan doona arrintan, waxaana kadib ay Baarlamaanka la wadaagi doonaan wixii kasoo baxa shirkooda.
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka federaalka Soomaliya ayaa dhaliilsan howlaha Hay’adaha amniga dalka kadib labo qarax oo ay ku dhinteen in ka badna 400 oo ruux ay ka dhaceen bishaan gudaheeda Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

