Maamulka Xarakada Al-shabaab ayaa goob fagaara ah oo ka tirsan Degmada Buq aqable ee Gobolka Hiiraan waxa ay ku toogteen nin ay sheegeen in uu Jaajuus u ahaa taliska Ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolkaas.
Fagaarihii lagu toogtay Ninkaan waxaa soo xaadiray qeybaha Bulshada ku dhaqan magaalada Buq aqable iyo deegaanada hoostaga ee Gobolka Hiiraan.
Ninka la Toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Axmed Cadow da’diisu waa 51 jir,waxa uu sigaar ah ula shaqeyn jiray taliska ciidamada dowlada Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ee Koonfurta dalka Soomaliya.
Xarakada Al-shabaab ayaa horey u fulisay Xukuno kala duwan oo lagu fuliyay dad la sheegay in ay la shaqeyn jireen Dowladda Federaalka Soomaliya, iyo dowladaha Ciidamada usoo direysa dalka Soomaliya.

