Dowladda Shiinaha ayaa xeebaha dalka Soomaliya usoo direysa maraakiib iyo ciidamo badan kuwaasi oo lagu xoojinaayo dagaalka burcad badeedda Soomalida.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Geng Shuang oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay xoojin doonaan dagaalka lagula jiro kooxaha burcad badeeda Soomalida si loo yareeyo weerarada ay geystaan.
Waxa uu sheegay in xeebaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin Maraakiib-ta dowladda Shiiinaha kuwaasi oo ka hortagay weeraro badan ay damacsanaayeen kooxaha burcad badeeda Soomalida.
Xeebaha dalka Soomaliya waxaa ka dhaca afduub ay geystaan kooxaha burcad badeeda Soomalida,inkastoo sanadihii dambe ay hoos u dhaceen weerarada kooxaha burcad badeeda Soomalida.

