Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Qarax miino oo dhulka lagu aasay in lala eegtay gaari uu la socday guddoomiyaha degmada cadale muuse maxamed kadiil xilli uu marayay degaanka garsaale.
Qaraxaan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen gudoomiyaha degmada cadale iyo labo kamid ah ilaadiisa, waxaana dhaawacooda la geeyay isbitaalka magaalada jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.
Guddoomiyaha degmada Cadale ayaa xalay ka baxay degmada balcad ee isla gobolka shabellaha Dhexe,waxaana uu ku sii jeeday magaalada jowhar,iyadoo qaraxa loo dhigay meel u dhow degaanka garasaale.
Mudooyinkii dambe waxaa sii xumaanayay amaanka wadada xariirisa degmooyinka jowhar iyo balcad, waxaana ka dhacayay qaraxyada loo dhigo ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle.

