Faah-faahin:-AMISOM oo Dad Rayid ah Ku Leysay Deegaanka Lafoole

0

Ciidamada Midowga Afrika AMISOM  ayaa dad rayid ahaa waxa ay ku laayeen saakay deegaanka lafoole ee duleedka magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Ku dhawaad 16-ruux oo shacab ahaa ayay ciidmada Midowga Afrika AMISOM toogteen kadib markii qarax miino lagu eegtay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Mmuqdisho iyo afgooye.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in uu jirey iska hor imaad kooban oo dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ka hor inta uusan qaraxa dhicin

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM markii qaraxa lala eegtay ay rasaas ku fureen xaafadaha, kaddibna ay ka degeen gaadiidkooda.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose aynu la xiriirnay way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arintaan ka dhacday deegaanka lafoole ee duleedka magaaladda muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here