Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dad shacab ahaa oo lagu laayay inta u dhaxeysa deegaanada carbiska iyo lafoole ee duleedka Muqdisho.
Dagaal ku bilowday qarax ayaa subaxnimadii hore ee saakay waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada carbiska iyo lafoole ee duleedka Muqdisho,kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Midowga Afrika AMISOM iyo dagaalyahanada Xaradaka Al-shabaab.
Weerarka ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada AMISOM ay wadeen howgallo balse ay la kulmeen weerar kaga yimid dhanka Xarakada Al-Shabaab.
Sida idaacadda Simba ay u shegeen dadka deegaanka Ciidamada AMISOM ayaa toogtay qaraxa iyo dagaalka kadib 17-Arday iyo Macalinkooda xili Ardaydaas laga soo daayay mid ka mid ah Iskuulada ku yaalla deegaanka Lafoole.
Dadka geeriyooday waxaa ku jira Wariye ka tirsanaa Idaacadda Radio Dayax oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo lagu Magacaabi jiray Ala Ha u Naxariistee Jacfar Cali Daacad.

