Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah booqasho rasmi ah ku tago dalka Turkiga.
Sida laga soo xigtay xafiiska Ra’isul wasaaraha turkiga Kheyre ayaa ku sugnaan doono dalka Turkiga ilaa maalinta jimcaha waxaana uu la kulmi doonaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu daaweynayo dalkaasi kuwaa oo dhan 35 qofood oo saddex caruur ah ay kujiraan kuna dhaawacmay qaraxii bishan 14-keedii ka dhacay isgoyska Zoobe.
Xasan Ali Kheyre ayaa kula kulmi doono dhigiisa dalka turkiga Binali Yildirmini caasimadda Ankara waxeyna kawada hadli doonaan xiriirka wanaagsan ee labada dal u dhaxeeya , kuwa gobalka iyo arimo caalimi ah.
Kheyre ayaa safarkan ka baaqday todobaadkii hore kadib markii qarax dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay Magaaladda Muqdisho waana markiisii ugu horeysay oo kheyre booqanaya dalka turkiga.
By:-Abdiaziz Hassan Ibrahim

