C/wali Gaas:-“Waan Aqbalnay Shirka uu Nagu Casuumay Madaxweyne Farmaajo”,

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland ahna guddoomiyaha dalada iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay isagoo ku hadlayay madasha inay aqbaleen shirka 28-ka bishaan uu madaxweyne Farmaajo ku casuumay madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda.

Waxa uu Sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) in shirkaas ay madaxda Maamul Goboleedyadda ay ka qeyb gali doonaan islamarkaana ay aqbaleen casuumadii uu usoo direy madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo).

” Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaliya ayaa noosoo diray casuumad 28-ka bisha October 2017 inaanu  isugu nimaadno Xamar, waxaan rabaa inaan sheego anigoo ku hadlaya magaca Maamulada xubnaha ka ah Dawladda Fadaraalka Soomaaliya inaan aqbalnay casumaaddaas kana qayb gelayno shirkaa isaga ah” ayuu yiri Madaxweynuhu.

28-ka bishaan ayaa magaaadda Muqdisho Waxaa lagu qaban doonaa shir u dhaxeeya Dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo Maamul goboleedyadda,qodobada loogu hadlaayo ayaa waxaa kamid ah xalinta tabashooyinka iyo sidii loo qaadi lahaa dagaal ka dhan Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here