Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada DJabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti
Wafdigaan oo ay qeyb ka yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Djabuuti waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Dalka Itoobiya isaga oo Ra’iisul Wasaaraha dalakaas kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Maalin ka hor tegay dalka Uganda isaga oo Madaxweynaha dalkaas Uganda ay ku heshiiyeen in Ciidamada Uganda ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay ka qeyb qaataan weeraro lagu qaado fariisimaha dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.
Farmaajo ayaa dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kala hadli doona sidii ciidamada jabuuti ee ku sugan deeganada maamulka Hir-shabeelle ugu qeyb qaadan lahaayeen dagaalka Al-shabaab.

