Madaxweyne Farmaajo oo Safar Deg Deg ah Ku Tagaya Dalalka Gobolka

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)  ayaa  lagu wadaa in uu safar deg deg ah uu ku tago dalalka Gobolka, si uu taageero milateri ugu helo guluf dagaal oo ay dowladiisu qorsheyneyso inay dhowaan ku qaado dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu booqanayo dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti oo ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweyne Yoweri Museveni, oo Ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lugtiisa labaad ee safarkiisa ku tagi doona dalka Jabuuti, waxaana uu ku soo qatimi doonaa dalka Itoobiya.

Ujeedada ugu weyn ee safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo dalalka Itoobiya, Uganda iyo Jabuuti ayaa ah sidii dalalkan ciidamada ka jooga Soomaaliya uga qeyb qaadan lahaayeen dagaal saf ballaaran oo Al-Shabaab  lagu qaado, si looga saaro deegaanada ay ka taliyaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay booqday xerada Tababarka Jaziira, halkaasoo ay ku xareysan yihiin kumanaan askar, waxaana uu ku wargeliyay inay isu diyaariyaan guluf dagaal oo lagu qaado Xarakada Al-Shabaab.

Farmaajo ayaa balan qaaday inuu dagaalkaas hoggaamin doono oo uu diyaar u yahay in naftiisa ku bixiyo, isagoo ku booqan doona ciidamada furimaha dagaalka, waxaana uu u guuri doonaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here