Wararka ka imaanaya Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal ayaa ku waramaya in uu ku dhaawacmay rasaas uu riday Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Puntland Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Bille C/raxmaan.
Taliyaha Booliska C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa isticmaalay Bastoolad ka dib gacan ka hadal dhexmaray isaga iyo Gudoomiyaha gobolka Nugaal Omar Abdulahi Faraweyne waxaana dhaawac lugta ah ka soo gaaray Taliye ku xigeenka booliska sida ay xaqiijiyeen Laamaha amniga.
Goobta falku ka dhacay waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga maamulka puntland, Taliyaha Booliska iyo ku xigeenkiisa ,Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Gudoomiyaha gobolka nugaal iyo Taliyaha qaybta booliska Nugaal.
Sidaan oo kale gacan ka hadal dhexmaray Taliyihii hore ee Booliska iyo Taliyihii Birmadka 05/05/2016-kii ayaa waxaa ku dhawacmay wasiirkii amniga ee xiligaas Cabdi Cali (Qarjab ) iyadoo dhimasho iyo dhawac ka soo gaaray Ciidanka Puntland.

