Ciidamada Dowlada oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaano Ka Tirsan Shabeelada Hoose

0

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa maanta gaaray deegaanada Mareerey,Sabiible iyo Caanoole halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa lagu soo waramaya in ay faarujiyeen deegaanadaasi markii ay dareemeen culeys militari oo kaga yimid ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen deegaandaasi,taasi oo qeyb ka ah howlgalada ka dhanka ah Xarakada Shabaab.

Al-shabaab oo deegaanadaasi ku sugnaa  ayaa lagu soo waramaya in ay u ruqaansadeen howdka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here