Salaadii Jimcaha kadib oo boqolaal dad ah isugu tagay Isgoyska Soobe + Sawirro

0

Waxaa maanta Salaadii Jimcaha kadib ayaa Boqolaal dadeyne ah waxay isugu soo bexeen Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo aheyd meeshii mashaqadu ay ka dhacayday 14kii Bishan.

Dadkii halkaasi isugu soo baxay oo ay wehliyaan Culimaa’udiin Soomaaliyeed ayaa Salaad Janaaso ah ku dukaday goobtii dadka lagu xasuuqey,iyagoo illaahay uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo, kuwa dhaawacyada qabana uu bogsiiyo.

Sheekh Cabdul Xayi oo ka mid ahaa Culimadii hoggaminaysay isu soo baxaasi ayaa alle uga baryay dadkii ku dhintay masiibadaas in naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku baaqday in Salaadda jimcaha kaddib la isugu tago goobtii qaraxa, isla markaana loo duceeyay dadkii ku dhintay musiibadaas.

Qaraxii xooganaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ayaa galaaftay nolasha ku dhawaad 300 ruux, wallow wali aysan jirin cid sheegatay Mas,uuliyada Qaraxaas,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here