Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka jubba-land ayaa ku waramaya in askari ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Soomaliya uu toogtay Xildhibaan Cabdixakiim tima-faras oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka jubbaland.
Alla Ha unaxariistee Xildhibaanka ayaa la dilay isagoo kasoo baxay gurigiisa, waxaana baxsaday askarigii dilka fuliyay.
Saraakiil ka Tirsan Maamulka Jubba-land oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanka uu toogtay askariga hubeysan islamarkaana uu goobta ka baxsaday.

