Maxaa Ka Jira in Somali-land Wax Ka Ogeyd Qaraxii Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho?

0

Maamulka Somali-land ayaa ka tacsiyadeeyay qaraxii khasaaraha dhaliyay ee 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo ku hadlayay afka Xukuumadda Maamulka Somali-land  ayaa shacabkii waxyeeladdu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Magaaladda Muqdisho ka tacsiyadaysay eheladii iyo dadkii ku geeriyooday.

Sidoo kale, waxay xukuumada Somaliland eed usoo jeedisay masuul Soomaaliya ka tirsan oo bogiisaTwitter ku qoray qoraal uu ku sheegay in dhibaatooyinka Soomaaliya ku jira ay Somaliland ka dambayso.

“Qarax naxdin leh oo aad u fool xun oo ay gaysteen dad aan cidna u naxayn halkaasi oo ay ku geerioodeenboqolaal qof, kuna dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sidaas darteed anigoo ku hadlaya magaca Somaliland waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaasi, mid taas la mid ahna waxaan u dirayaa madaxda iyo shicibka Soomaaliya, waxaan cambaaraynaa falalkaas waxashnimadda leh cid kasta oo ka dambaysay”ayuu yidhi wasiirka

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani,waxa kale oo uu Dowladda Soomaaliya usoo jeediyey inay baaritaan ku sameeyaan masuul wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ka tirsan oo hadalo eed ah usoo jeediyey Somaliland.

“Waxa la yaab lehin qof masuul ah oo xil ka haya dawladda Soomaliya uu ku baahiyey Twitter-kiisa inay Somaliland ka dambaysay falalkaasi, anigu waxaan odhana lahaa ninkaasi laftiisa ayaa baadhis u baahan waayo waxa uu ku hadlayaa waa majaro habaab” Cismaan Saxardiid Cadaani.

Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay in sida dadka  Magaaladda Muqdisho jooga uga naxaan waxa ka dhacaya Muqdisho si la mid ah uga naxayaan shacabka Somaliland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here