Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Dr jaamac Cilmi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhaqaatiir ay qeyb ka yihiin ayaa soo gaaray Magaaladda Muqdisho, waxayna la kulmeen Madaxda ugu sareysa dalka.
Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha ayaana uga mahad celiyey howlaha Gargaar ee ay wadaan iyo doorka ay ka qaateen u gurmashada dadkii Musiibadii Zoobe ee Muqdisho waxyeelada kasoo gaartay.
intaasi kadib Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa qaabilay Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti uu horkacayo, isagoo ku ammaanay doorkii gurmadka walaalnimo ee ay u sameeyeen Bulshada Soomaaliyeed ee Waxyeelada ay soo gaartay, xilli Soomaaliya ay garab istaag u baahnadeen ayuuna u sheegay in ay usoo gurmadeen.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Dr jaamac Cilmi iyo wafdigiii uu hoggaaminayey, ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaasi oo ay kula kulmeen Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, iyagoo warbixin ku saabsan qaabka gurmadka loo wado ka dhageystay R/wasaare ku xiggeenka.




