Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Dhiig u Shubay Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Zoobe

0

Waxaa wali socda gurmadka loo sameynayo dadkii waxyeeladda ay kasoo gaartay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada muqdisho.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ahaa afhayeenkii hore ee Xarakada Al-Shabaab oo dhawan isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya  ayaa maanta la arkay isagoo dhiig  u shubaya dadkii ku dhaawacmay weerarkii Zoobe.

Afhayeenkii Hore ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa isbitaalka Degfeer ee Magaalada Muqdisho ku shubay dhiig uu ugu talagalay in lagu badbaadiyo dadka Musiibada ku dhacday.

Roobow ayaa dhawaan sheegay in uu isaga baxay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo muddo 7-sano ah uu ka Tirsanaa isagoo ku tilmaamay Al-shabaab ay u  sameysan yihiin  leynta umadda Soomaliyeed.

Sheekh Mukhtaar intuu ka Tirsana  Xarakada Al-shabaabwaxaa Magaaladda muqdisho ka dhacay dilal iyo qaraxyo ay Al-shabaab ay geysteen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here