Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo goordhaweyd Ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.
Qaraxaan oo gaari TM loo adeegsaday ayaa ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Zoobe gaar ahaan afafka hore ee Hotelka Safari oo ah mid kamid hoteeladda ku yaala Magaaladda Muqdisho.
Qiica iyo uurada Qaraxa ayaa cirka isku shareeray waxaa inta badan laga arkayay degmooyinka Gobolka banaadir.
Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa goobta waxa ay aheyd mid mashquul badan, waxaana bur bur xooggan soo gaaray dhismayaal ka ag dhow halka qaraxa ka dhacay oo u badnaa kuwo ganacsi.
Illaa iyo hada lama oga khasaaraha, balse waxaa lasoo sheegayaa in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay, madaama ay goobta aheyd mid aad u mashquul badan.
Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya In rag hubeysan ay gudaha u galeen Hoteelka Safaari inkastoo aan la hubin warkaas.
La soco wixii kusoo kordha warkaan

