Cusman Maxamud oo ah 22 jir Soomaaliyeed ayaa lagu xukumay xasbi daa’in kadib markii lagu eedeeyay in uu jirdil u geestay muhaajiriin kale oo Soomaaliyeed.
Dowlada talyaaniga ayaa sheegtay in cadeemo dheeraad ah kadib oo laga dhageestay magan galya doon Soomaaliyeed oo ku sugnaa xero barakacayaal ah oo dhacda banaanka magaalada Milano in ay xabsiga u taxaabeen Cusmaan Maxamuud.
17 qofood oo dhibanayaal ah ayaa maxkamadda Milan ka hor qiray in cusmaan maxamud uu jirdilay islamarkaana uu aad u garaacay waxaana ay intaa ku dareen in qaarkood ay u dhinteen garaacista aan xadka laheyn halka kuwa kale u dhinteen cunno la’aan iyo biyo la’aan amaba dabiib la’aan soo wajahday intii ay xerada ku jireen.
Labo haween da’yar ah ayaa kamid ahaa dadkii ku marqaati furay waxaana ay intaa ku dareen in uu kufsaday.
Bishii September Sanadkii 2016-kii ayaa gacanta lagu dhigay xili uu jirdil u geysanayay dad magan galyo doon ah oo ku sugnaa xerada Bani Walid Oo dhacda saxaraha dalka Libya.
Muhaajiriinta ka yimaada wadamada ka hooseeya saxaraha Africa ayaa waqti badan ku sugnaada xerooyinka barakacaaysha iyagoo waalidiinta ka sugaya ineey ka bixiyaan lacagaha madax furashada ah oo magafayaasho ka qaadanayan.
Tahriibayaasha oo u badan kuwa ka yimaada qaaradda Africa ayaa loo kordhiyaa jirdilka marka ay bixin waayaan lacagaha madax furashada kuwaa oo doonayo in ay gaaraan wadamada qaarada Yurub.
By: Abdiaziz Hassan Ibrahim

