Ciidamada Jubba-land oo Burburiyay Saldhig ay Ku Sugnaayeen Al-shabaab

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya In Ciidamada Nabad Sugida maamulka Jubba-land ay howlgal ka fuliyeen galinkii hore ee shalay deegaano ku dhow magalaada Kamsuuma oo qiyaastii 90 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Taliye ku xigeenka Nabadsugidda Jubaland Axmed C/laahi Ciise (Gaas) oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in shalay galinkii hore ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Kamsuuma ee Gobolka Jubada Hoose.

“Ciidamo ka tirsan nabadusgida Jubba-land waxa ay  ka talaabeen Webiga dhinaca Buulogaduud, waxaa bartilmaamdeed u ahaa fariisin ay Al-shabaab ku lahaayeen nawaaxiga Kamsuuma, goobtaasi waxa ay ahayd goob ay jidgooyo u taal oo ay gaadiidka lacago uga qaadi jireen, qasaarooyin ayaan u geysannay, waxayna u carareen dhanka Kamsuuma,” ayuu taliyuhu Yiri.

Waxa uu sheegay Sidoo kale in ay saldhigga ugu tageen xoolo ay Al-shabaab Zako ahaan uga soo ururiyeen dadka xoolaleeyda ah iyo lacago, isagoo sheegay in qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay u gesyteen.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalladaasi oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday weerarro qorsheeysan oo ay ku bartilmaadeesanayaan saldhigyada ay Al-shabaab ku leeyihiin Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here