Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-shabeelle oo Kismaayo Gaaray+Sawirro

0

Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land waxaa goordhaweyd gaaray madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Hir-shabeelle Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) iyo Maxamed Cabdi Waare.

Labada Mas’uul ayaa waxa ay ka kala baxeyn Magaalooyinka Muqdisho, iyo Cadaado waxaana Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka  Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale lagu wadaa in Magaaladda Kismaayo uu gaaro madaxweynaha Maamulka puntland Dr C/wali maxamed Cali(Gaas),

Kismaayo waxaa horey u gaaray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan.

Magaaladda Kismaayo ayaa lagu qaban doonaa shirka Madaxda Maamul goboleedyadda oo loogu arinsan doono Khilaafka Wadamada Khaliijka Carabta.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here