Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land waxaa goordhaweyd gaaray madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Hir-shabeelle Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) iyo Maxamed Cabdi Waare.
Labada Mas’uul ayaa waxa ay ka kala baxeyn Magaalooyinka Muqdisho, iyo Cadaado waxaana Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),
Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale lagu wadaa in Magaaladda Kismaayo uu gaaro madaxweynaha Maamulka puntland Dr C/wali maxamed Cali(Gaas),
Kismaayo waxaa horey u gaaray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan.
Magaaladda Kismaayo ayaa lagu qaban doonaa shirka Madaxda Maamul goboleedyadda oo loogu arinsan doono Khilaafka Wadamada Khaliijka Carabta.






