Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Sooomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa maanta ku laabtay Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.
Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaaladda baydhabo waxaa wafdigaan kusoo dhaweeyay, gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Koonfur Galbeed Soomaliya C/qaadir Shariif Sheequnaa Maye , Wasiiro,Xildhibaan, Saraakiiil Ciidan iyo qeybaha bulshada magaladda Baydhabo.
Madaxweyne Shariif Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In dhowrki maalin aynu soo dhaafay uu ku sugnaa dalka imaaraadka Carabta islamarkaana uu dowladda dalkaas uu kala soo hadlay hormarka deeganada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha uu Magaaladda baydhaba ugu soo laabtay sidii uu kaga hortagi lahaa mooshin laga sheegay in ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaliya oo lagu doonayo in isaga xilka loogu tuuro.







