Muwaadin Soomaliyeed oo Dil Ka Geystay Dalka Ingriiska

0

Muwaadin Soomaaliyeed oo booliiska Magaalada London ee dalka Britian ay gacanta ku dhigeen ayaa lagu eedeeyay inuu geystay dilka nin madow ah oo ku noolaa magaalada Southhall oo dhacda Galbeedka Caasimadda London.

Muwaadinkaan  Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mohamed Abdullahi ayaa sidoo kale la sheegay in uu ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya iyadoo weerarka uu ku qaaday ninka lagu eedeeyay in uu dilay la sheegay inuu ahaa mid tooreey uu u adeegsaday xili ay wadada isla marayeen.

Caamirooyinka qarsoon ee looyaqaano CCTV ayaa soo bandhigay muqaalka Maxmed Cabdullahi oo dhaawacyo halis ah u geysanaya nin ka soojeeda qaaradda Africa kaa oo markii dambe u dhintay weerarkaasi oo dhacay 28-dii bishii March ee sanadkan.

Booliiska magaalada London oo falkan baaritaano ku hayay ayaa sheegay in weerarka ay isla fuliyeen saaxiibkiis oo ay kawada ganacsadaan waxyaabaha maanka dooriya iyagoona dhaawac u geestay walaalka mr fenton oo doonayay in uu badbaadiyo.

25-jirkan Soomaaliyeed ayaa dafiray in uu lug lahaa weerarka kaa oo sanadii 2013-kii loo soo saaray waraaqihii dib loogu soo celin lahaa gudaha dalka Soomaaliya oo la sheegay in si sharci darro ah uu ku sooo galay dalka Britian.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here